Wednesday, January 31

Dhulku Maaha Kubad !!!

Xaqiiqo: Dhulku wuu simanyahay. Mana aha kubad meel banaan duulaysa !
Jiilkan dambe ee badankood Iskuullada wax kusoo dhigteen, waxa laga soo dhaadhiciyey oo 12 sano lagu soo waday in dhulku uu ku wareego cadceedda, cadceedduna taagantahay, dayaxuna uu ku wareego dhulka.. iyo sheekooyin badan oo ujeedkaas uun ka hadlaysa . Waxa jirta siyaasad ah in Been la sheego, kadibna lagu soo celceliyo si hadhow run loo moodo, In dhulku wareego ayaa ahayd been weyn oo lagu dul-dhisay beeno kale oo aad u badan. Kadib waxa dhacday in beentaa hore sideeda loo qaatay oo aan hadal laga soo celin. Maskax-meydh ayaa ardayda Iskuullada lagu liqsiiyey beeno badan oo aan la tirin karin. Qofka aragtidaas Wareega dhulka Aaminsan wuxuu si 100% uga soo horjeedaa Qur’aanka. Sababtoo ah Allaha abuuray waxaad arkaysid oo dhan ayaa kaaga warramay sidey yihiin. Markaad shay doonayso inaad wax ka ogaato weydii ciddii sameysay. Alle ayaa weyne ahee isaga ayaa abuuray Cirka, dhulka, iyo waxa u dhexeeya oo dhan. Isaga ayaa kaga warramay Quraanka oo inoogu sheegay sida ay yihiin iyo sida uu u abuuray. Laakiin se Ibliis ayaa waxyaalo kale kaaga warramaya oo aad wareysaneysaa !! Ma ogtahay in Aragtida in dadku kasoo jeedaan daanyeerro horumaray – ay la xidhiidho Aragtida kubadeynta dhulka ! Dhul-gariiradii Sanadkii hore ka dhacay Turkiga, Suuriya iyo Morocco ayaa kuuga filan tusaale haddii dhulku dhaqaaqo ay wax kasta oo ka dul dhisanba ay dumayaan! Markaa Sidee u tidhaahdaa dhulku wuu wareegaa ? مَّا أَشْهَدتُّهُمْ خَلْقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَلَا خَلْقَ أَنفُسِهِمْ وَمَا كُنتُ مُتَّخِذَ الْمُضِلِّينَ عَضُدًا (51) سورة الكهف} Aayadaha ka hadlaya abuuridda cirka iyo dhulka wey badanyihiin dib ugu noqo Qur’aanka Aayaddanna akhri oo ku waayo-arag.

Dhulku Maaha Kubad !!!

Xaqiiqo: Dhulku wuu simanyahay. Mana aha kubad meel banaan duulaysa ! Jiilkan dambe ee badankood Iskuullada wax kusoo dhigteen, waxa laga ...